homeLogo enroll facebook twitter instagram linkedin youtube
staff login
Soomaali
In This Section

Xalka Fahamka Guud ee Qrshaha Degmada iyo Qiimeyta Hageysa

Iyadoo laga fiirsanaayo,qaab dhismeedka sharciyada iyo arimmaha ka jira hada dugsiyada dadweynaha Minneapolis ee ka  reebaya  ardayda qaarkood waxbarashada ay u qalmaan ama ay u baahan yihiin inay helaan;  farqiga u dhexeeya natiijooyinka ka soo baxa  waxbarshada iyo aqoonta ardayda ayaa ku kala duwan isirka, juquraafiyada,xaaladda guryeenta, iyo siyaabo kale:  Annagu hadaan nahay guddiga loo doortay dugsiyada dadweynaha Minneapolis, waxaan masuul ka nahay najiijooyinka waxbarashada iyo waayo aragnimada ardaydeena inaan u dejino aragtida  himiladooda iyo sharciyada,  kadibna siino ilo kheyraad ku filan, iyo in la siiyo  taageero buuxda Kormeeraha Guudd si uu u guto howshiisa.

HADABA, SIDAA DARTEED, WAA IN LA XALIYAA waxay guddiga dugsiyada degmada  (Special School District No. 1,) halkaan ku tilmaamayaan inay awood u siinayaan Kormeeraha Guudd in uu   hor keeno tallooyinkii la soo jeediyey, oo sida wada jirka lagu aqoonsaday, Fahamka guudd ee Qorshaha Degmada, Ka dibna uu qaado guddiga tallaabooyin  waxaana tallaabooyinkaas ka mid ahaan doona:

  • Waa inay siiyaan waxbarasho si wanaagsan loo qaabeeyey ardayda , barnaamijka Carruurnimada hore ilaa ay ka qalin-jabiyaan, iyo  in dhammaan ardayda degan magaalada inay helaan waxbarashasho tayo leh sida,xirfada barashada dareenka /bulshada, iyo xirfadaha farsamooyinka si ay ugu guuleystaan koleejyada/ama xirfada shaqada.
  • Waa in lagu daro mowduucyada si wanaagsan u qeexaan / ama barnaamijyo gaar ah iyo shaqaale la saadaalin karo taageera fursadaha waxabarashada loogu talo galay ardayda.
  • In laga heli karo dhammaan magaalada qeybaheeda oo dhan.
  • Tacliin koorsooyin adag, oo ku haboon ardayda kana jabaabeysa hadafka iyo himilada ardayda.
  • Waa in lagu daro qorshaha abuuri kara shaqo iyo aqoonta ku dhisan farsamada (CTE) taas oo gaarsiin karta ardayga inuu sahmiyo xirfadaha iyo kheyraadka u diyaarin kara shaqada iyo xirfadaha ku dhisan aqoonta
  • Waa in lagu daraa qorshaha waxbarashada gaarka ah inay dhammaan ardaydu   helaan adeegyada waxbarashada ay bixiyaan dugsiyada guryahooda u dhow taas waa inaan la sii wadin in ardayga lagu takooro hal iskuul ama hal adeeg oo kaliya 
  • Waxaa ka mid ah qorshe u ogolaanaya in ay ardayda bartayaaasha luuqadda afka ingriiska inay helaan dugsiyada waxbarasda nidaamka fiican iyo barnaamijyada luuqadaha isku dhafan.
  • Waa in guul laga gaari karo lana joogteeyn karo
  • Waa in la hubiyaa helitaanka sinaanta iyo fursadaha tacliinta tayada leh, ee lagu halaayo   dhibcaha buundooyinka  
  • Waa in la aqoonsado haybsooca iyo sidii la isugu dhafi lahaa dugsiyada dhaqaalaha si ay uga faa’iidaan ardaydeena taasna waa hantida bulshadeena. Waana in lagu daro qorshaha:
    • Waa in laga saaraa  waxyaabaha aan xakameyn karin ee nagu sii fogeeynaaya go’doominta, kuwaas oo ay ka midka yihiin xeerarka diiwaaangalinta ardayda iyo dugsiyada  ardaydoodu isku xirantahay ee loo yaqaano (pathways)
    • Waa in la yareeyaa dugsiyada ay halka jinsi u badan yihiin ee go’doonka ku jira.
    • Xeeladeyta goobaha, abuurida xaduuddaha loogu talo galay , iyo in lagu diiwaan galiyo  ardayda dugsiyada magnet-ka si loo abuuro deegaan waxbarasho  oo isku dhafan iyo deegaan aan siyaadinkarin ka go’doominta dugsiyada kale-iskuullaadka barnaamijyada gaarka heysta Mgnetka waa in la taageeraa iyadoo loo eegaayo maalgalinta.  
    • Ma, ahan in loo adeegsado gaadiidka basaska koox arday ah si loo gaaro isdhexgalka

WAA IN SI QOTO DHEER LOO XALIYAA Qorshayaashu waa inay taageeraan ahmiyada waxbarashada aradyda had aka jira dugsiyada dadweynaha Minneapolis, oo ay ka midka yihiin:

  • Diirad saarida afarta qeybood ee mudnaanta koowaad (Nidaamyo Taageero dhinacyo badan leh, Sinaanta,barashada qorista iyo aqriska, iyo barashada dareenka bulshada ), ku was oo hurumarin doona hagida midabada kala duwan iyo aradyda asalka ah
  • Manhajyo dhaqameed jawaab u ah oo ay ka mid yihiin, laakiin aan ku boobneyn daraasaadka qoomiyadeed  iyo barnaamijka   STEAM (Saynis/Tiknoolajiyada/Injineerinka/Farshaxanka/ Xisaabaadka)
  • In la hirgaliyo qorshe diirada saaraya sinaanta iyo cunsiriyada midabka, jawiga deeganka dugsiga iyo qorshe diirada saaraaya hagaajinta sidii loo haysan lahaa ardayda, qoysaska iyo shaqaalaha khibrada leh,
  • Sii wadidda shaqaaleynta iyo haysashada shaqaalaha madoowga
  • In la taageero nidaamka dugsiyada bulshada oo adeegyo buuxa leh

WAA IN SI QOTO DHEER LOO XALIYAA   si loo horumariyo  talooyinka iyo qorsheyaasha  waxay tahay in la isticmaalo mabaadii’daan wax lagu hagaayo:

  • In lagu wargaliyo xoggta, cilmi baaris,iyo fikradaha macquulka ah ee isbadelka muhiimka ah leh  
  • In lagu saleeyo qorshaha ardayda, waalidka, aqoonyahanada, iyo fikradaha xubnaha bulshada—iyada oo la tixgalinaayo mudnaanta codadka ardayda madow,aradya asalka ah, iyo ardayda soo galooyiga, iyo qoysaskooda  
  • In si dhab ah loo falanqeeyo sidii looga hortagi lahaa haybsooca iyo in si dhab ah diirada loo saaro sinaanta iyo xaqsoorka.

WAA IN SI QOTO DHEER LOO XALIYAA hadaan nahay  guddiga , waxaan ballanqaadaynaa:

  • Waa in arintaan la dhaqan galiyo, xitaa hadii ay tahay mid adag ama qalafsan
  • Waa Inaan taageerno ku dhaqanka arintaan iyadoo laraacinaayo miisaaniyad iyo agabyada kale ee lagama maarmaanka ah
  •  Marka loo eego  xeerka EDIA Waa in laga hadlaa xeerar kasta oo sii wadaaya xeerka ku dhisan cunsuriyada,  
  • Waa In si joogto ah dib u eegis loogu sameeyo tallaabooyinkeenii aan qaaday inay ka miro dhaleen lana raaciyo la xisaabtan

UGU DANBEEYNTII, WAA IN LA XALIYAA Guddiga waxbarashada Minneapolis waxay dib-u eegayaan dhawaaqa codadka iskaashada iyo hogaamiyeyaasha sidii wax looga qaban lahaa waxyaabaha arimaha dibada ee saameynta ku yeelanaaya ardaydeena:

  • Waa in la siiyaa guryo ammaan ah, la awoodi karo, deegaano magaalada oo dhan
  • Waa in la cribtiraa cawaaqinta aan lagu talo galin ee sharciyada doorashooyinka dugsiyada federaalka iyo kan gobolka  
  •   Waa in si buuxda loo maalgalyaa waxbarashda gaarka ah iyo adeegyada luuqadaha badan
  • Waa in la difaacaa  ardayda soogalootiga, qoysaskooda, iyo shaqaalaha