homeLogo enroll facebook twitter instagram linkedin youtube
staff login
Soomaali
In This Section

Soo koobida Fahamka guud ee Qorshaha Qaab-dhismeedka Degmada: Waxkasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato!

Soo koobida Fahamka guud ee Qorshaha Qaab-dhismeedka Degmada: Waxkasta oo aad u baahan tahay inaad ka ogaato!

Waa daabacaaddii lixaad ee Fahanka Guud ee  Qorshaha Degmada oo loo yaqaano (CDD) ! CDD waa fursaddayada aan ku siinn karno arday kasta oo ku nool Minneapolis inuu helo waxbarasho qaabeysan.

Falanqeyntii u dambeysay:

Waxaan wadaagnay macluumaad Waxaan wadaagnay macluumaad ku saabsan shanta nooc ee xuduudaha dugsiga, meeleynta dugsiyada  magnetka iyo qaab dhismeedka dugsiga ee loo soo bandhigay Guddiga Golaha oo aan kaga wada hadalnay qeybaha  dhageysiga bulshada iyo kal-fadhiyada macluumaadka.

Maxaa cusub:

Qodobbada Muhiimka ah: Toddobaadkan waxaan si aad ah uga wada hadli doonnaa wax ka badan seddex qaybood oo bishii Jan. 28eeda   loo soo bandhigay Golaha CDD: presentation to the Board on the CDD: xuduudaha dugsiga sare, Waxbarashada Gaarka ah, iyo Tacliinta Farsamada (CTE). Si aad wax dheeraad ah uga baratid, waxaan kugu dhiirigelinaynaa inaad daawato bandhiggaigh watch the presentation.

  • Xadka xuduudaha dugsiga sare loogama hadlin maadaama daraasadaha xuduudaha asalka ah diirada lagu saaray fasalada K-8. Kani waa qabyo qoraal hore si loo hubiyo in CDD ay ka hadasho dhammaan heerarka fasalada, K-12.
  •  Wixii loogu talagalay adeegyada Waxbarashada Gaarka ah, hadafku wali waa khibradaha waxbarasho oo loo dhan yahay oo loogu talagalay ardayda si ay ardaydaas  uga heli karaan adeegyadooda dugsiga bulshada mar alla markii ay suuragal tahay.
  •  barnaamijka CTE, rajadeenu waa in aan abuurno barnaamij dhexeeya   laba dugsi oo lagu diyaariyo ardayda xirfadaha iyo waxbarashada lagama maarmaanka u ah in ay ku guuleystaan waxkasta oo ay qaataan kadib dugsiga sare.

Faahfaahin dheeraad ah: Sidii aan horayba ugu sheegnay, Qorshaha CDD waxay ka badan tahay shanta nooc ee xuduudaha dugsiga. Waana muuqaal guud oo ah sida aan u horumarin karno si aan ugu fiicnaano u adeegidda ardayda anagoo xoogga saareyna aqoonta waxbarashada, sinnaanta iyo joogtaynta. focusing on academics, equity and sustainability.

Qabyo-qoraalka xuduuda dugsiga sare waxaa loogu talagalay in lagu taageero yoolalkaas. Dadku waxay si sax ah u weydiinayaan su'aalo badan oo   ku saabsan arimahaas, iyo waxaa ka soo bixi doona  macluumaad dheeri ah goor dhow. Mar labaad, waxay ahaayeen xuduudaha qabyada ah ee la sameeyay ilaa xitaa diiwaangelinta iyo taageerada joogtaynta ee dhammaan dugsiyada sare, waana ku mahadsan tahay sii wadista jawaab celinta bulshada.

Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis, qiyaastii 17% ardaydayadu waxay helaan adeegyadda waxbarashadda gaarka ah. Si kastaba ha noqotee, iskuulada qaar ayaa leh 30% ardayda hesha adeegyada halka kuwa kalena ka helaan  kaliya 3%. Qorshahaan CDD-du waxay bixisaa fursad ay ku hubiso in dhammaan dugsiyada bulshada ay u fidin karaan ardayda Barnaamijka Federaalka heerka I iyo II ee ardayda.   Federal Setting I and II services  Waxay kaloo u oggolaaneyaan Dugsiyada dadweynaha Minneapolis  inay ku baahisodugsiyada degmada  oo dhan si ardayda ay u helaan fursado waxbarasho oo loo wada dhan yahay. Dhamaan iskuulada bulshada ayaa bixin lahaa:

  • Qiyaasida iyo qiimaynta xirfadleyaasha waxbarashadda gaarka ah
  • Qorshaha-ku-saleysan barnaamijka Qorsheynta Waxbarashada shaqsiyada Gaarka ah (IEP)
  •  waxbarida gaarka ah iyo waxqabadyada degdegga ah
  •  La socodka himilooyinka ardayga iyo ujeeddooyinka waxbarashada
  • dib u eegista joogtada ah ee ku saabsan isticmaalka waxqabadyada wax loogu qabanayo

Ardayda hela adeegyada 'Federal Seting III' ee Adeegyada  Federal Setting III Special Education, Waxbarashada Gaarka ah, ee dhigta dugsiyada  magnetka waxay siin doonaan tilmaamo takhasus leh oo ku saabsan barashada Dareenka iyo Akhlaaqda (EBD) / Barashada Maskaxda ee Bulshada (SEL), Autism Spectrum Disorder (ASD), Isku-duwaha Isuduwaha ah ee Tacliinta iyo Guusha Bulshada (CLASS) , iyo Naafanimada Koritaanka Maskaxda (DCD). Qoysaska ardaydani waxay ka qaybqaadan karaan geedi socodka bakhtiyaa-nasiibka Gaarka ah ee waxbarashada kaas oo bixin doona fursado badan oo lagu dhigto dugsiga birlabka. Ka sokow adeegyada kor lagu soo xusay ee dugsiyada bulshada, iskuulada magnetka waxay bixiyaan:

  •  Shaqaalaha waxbarashada gaarka ah ayaa loo tababaray dugsiyada magnetka si ay diirada loo saarayo iyo marin u helida qalabka waxbarashada ee diiradda saaraaya dugsiga  magnet
  •  Fursadaha ku salaysan isku dhafka qorshaha  IEP ardayga
  •  Wax  qabadyo heer sare ah oo ku saleysan qorshaha ardayga IEP

Qaar ka mid ahdugsiyada bulshada ayaa yeelan doona Fasalada qorshaha heerka 'Federal Setting III' oo magaalada oo dhan laga dhigo. Ardayda dhigata mid ka mid ah barnaamijyadaas waxay aadi doonaan dugsiga ugu dhow ee dugsiga bulshada ay la socdaan adeegyadaas laga heli karo si ay ula kulmaan IEP-yada. Ardayda heleysa adeegyada 'Federal Setting IV' waxaa sii wadi doona inay u adeegaan iskuulada River Bend iyo Harrison, oo leh ikhtiyaarro ah u guuritaanka dugsiyada magnet ama iskuulada bulshada markay ka baxayaan barnaamijka Dejinta IV.

Dugsiyada Dadweynaha Minneapolis waxay aaminsan yihiin in arday kastaa u qalmo helitaan barnaamijyada CTE  si ay u gaaraan himilooyinkooda oo ay u guuleystaan markii ay qalin jabiyaan. Fursadaha CTE waxay macnaheedu tahay in ardayda ka qalin-jabisa MPS ay si wanaagsan diyaar ugu yihiin haddii ay aadaan kulliyadda, barnaamij xirfadeed ama ay toos ugu socdaan shaqada.

Barnaamijyada hada ka jira hada iskuulada ma, u ogolaanayaan ardayd inay si siman u galaan waxbarashada. Qorshaha CDD waxay u oggolaaneysaa dugsiyada dadweynaha Minneapolis inay siiyaanardayda barnaamijyo leh labo xarun dhexe laga helo Teknolajiyad sidaas darteedna arday badan ayaa fursad u leh inay galaan barnaamijyadaan. Labada Xarumood ee Teknolojiyada ah waxay siinayaan ardayda dugsiga sare fursado ay ku sahamiyaan danaha shaqadooda inta ay u sii diyaarin lahaayen guusha waligeed-soo-saare, xirfada sare ee maxalliga ah iyo dhaqaalaha adduunka. Ikhtiyaar shaqo baarista hordhaca u ah ayaa wali ku jiri doonta dhammaan dugsiyada sare.